DHAGEYSO: Somaliland oo diiday qorshe ay ku dhawaqday DF Somalia

Hargeysa (Halqaran.com) – Iyadoo khamiistii shalay dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay labada Diyaaradood oo Hilacopter ah, kuwaas oo loogu talo galay inay Ayaxa ka buufiyaan Dowlad goboleedyada oo ay Somaliland ka mid tahay ayaa waxaa qorshahaas ka horyimid Xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay mid Gooni ah oo isku filan, isla markaana deeqaha iyo taageerada Caalamka aan loo soo marin karin ayna ka rabin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in Agab dhowr jeer kasoo degay dekadda Berbera oo ay hay’adda FAO u waday Dowladda Soomaaliya ay Canshuur dhaaf u sameeyeen, balse Somaliland aysan sheegan taas bedelkeedana aan la aqbaleyn in Muqdisho looga soo diro diyaarado Ayax ka buufinaya deegaannada Soomaaliya.

Waxaa uu dowladda Federaalka ugu baaqay in wixii dhib ah ee ka yimaada tallaabadaas ay masuuliyadeeda qaadayso DF Soomaaliya,

Wasiirka Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed, ayaa xusay in ay jiraan diyaarado loogu talo galay buufinta Ayaxa, kuwaas oo Hay’adaha FAO iyo USAID ay ka sugayaan kana soo degi doonaan Garoonka Magaalada Hargeysa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here