Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo magacaabay booskii uu iska casilay Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade).

Danjire Cabdiraxmaan Guulwade ayaa iska casilay xubinihi Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Danjiraha ayaa qiil u sameeyay hawlgalkii Ciidamada Militariga Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi (Somaliland), sanadkii 1988-kii.

Afhayeenka Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa sheegay inay ka xun yihiin hadalka ka soo yeeray Danjire Guulwade, isla-markaana uu yahay mid isaga uun ku kooban.

Cali Axmed Jaamac (Jangeli), oo u waramay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Danjire Guulwade uu warqadda istiqaallada soo gudbiyay 8-dii bishan, lagana aqbalay 9-kii bishan.

“Guddiga Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadaxaajoodka Dowladda Federaalka iyo Somaliland, xubin ka tirsanaa wuxuu istiqaaladiisa dhiibay bisha 8-deedii, waxaana laga ogolaaday bisha 9-keedii, wuxuuna sheegtay daruufo gaar ah.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Jangeli ayaa tibaaxay inaanu Danjire Guulwade ka tirsanayn Guddiga Wadahadalada, markii uu jeedinaayay hadalkiisan uu ku sheegay inay sax ahayd duulaankii Dowladdii Dhexe ee Gobolada Waqooyi, isagoo intaa ku daray in booskiisii toddobaad ka hor loo soo magacaabay Xildhibaan Dalxa.

“Guddiga xubin kama aanu ahayn markii uu hadalkan jeedinaayay, waxaana bedelkiisii la magacaabay toddobaad horteed. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa lagu soo bedelay.” Ayuu yiri Jangeli.

War qoraal oo ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hadalka Danjire Guulwade uu dhaawacayo wadahadalada haatan loogu gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yegleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here