Muqdisho (Halqaran.com) – Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyay Hinidse Sharciyeedka Batroolka Dalka, kadib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Kulankii 25aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa shir guddominayay Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudomiyaha Golaha Aqalka Sare, iyadoo ay ku wehliyeen Gudomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare, Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Kuxigeenka 2aadm Senator Mowliid Xuseen Guhaad.

Senatorada ayaa dood ka yeeshay sharcigan, waxaana ugu dambeen la isku raacay in cod la geliyo.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqay in Hindise Sharciyeedka Batroolka ay u codeysay 28 Senator, waxaana haa ku ogaalatay 24 Senator, halka ay ka aamuseen 4 Senator mana jirin cid diiday.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa uga mahadceliyay Senatorada Aqalka Sare, sida ay u meel mariyeen sharcigan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here