Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Jimcihii maanta magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanada Xeraale iyo Huurshe ee Gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Odayaasha Dhaqanka ay diidmo ka keeneen labaatanka xubnood ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe laga siiyay Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Odayaasha Dhaqanka ka codsaday inay aqbalaan saami siyaasadeedka Ahlu Sunada Galmudug laga siiyay Baarlamaanka soo socda.

Odayaasha Dhaqanka ee Xeraale iyo Huurshe ayaa waxay iminka u muuqdaan kuwo ka tanaasulay cabashadii, ay ka keeneen Xildhibaanada ay soo xushay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ka dhisan.

Geesta kale, ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa uu Odayaasha Dhaqanka ka wareystay xaaladda Xeraale iyo sida uu u fulay, heshiiskii nabadeed ee dadka deegaanka la kala dhexdhigay dabayaaqadii sanadkii hore.

Ugu dambeyn , Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo uu xal ugu raadinayo khilaafka hareeyay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here