Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab /Sawir hore/
Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab /Sawir hore/

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maalinta Khamiista lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Ururka Al-Shabaab, kadib qaraxii maalintii Sabtida ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iclaamiyay bannaanbaxaan oo ay ku sheegeen inuu yahay mid ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee hubeysan ee qaraxyada ka gaysta Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool Magalaada Muqdisho, isla-markaana uu bannaanbuxu noqon mid mideynaya shacabka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa reer Muqdisho ugu yeeray inay Khamiista isugu soo baxaan waddooyinka magaalada, si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qaraxyada ay u nugul yihiin.

Gobolka Banaadir ayaa tallaabadan qaaday, kaddib markii Ururka Al Shabaab uu xalay si rasmi ah u sheegtay masuuliyadda qaraxa dadka badani ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhimatay 87, halka 148 kalena ay ku dhaawacantay. Dhibaneyaasha ayaa waxay u badan yihiin shacabka, weliba arday.

Qaraxan oo uu gaystay nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa noqonaya kii saddexaad ee ugu dhimashada badnaa, kana dhaca Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here