Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa xalay gurigiisa ku qaabilay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekj Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ku socday magaca Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay isaga wareysteen xaaladda dalka iyo Siyaasadaha xilligaan taagan, waxaana la isla gartay in laga shaqeeyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal soo dhigay Boggiisa xiriiirka Bulshada, ayaa wuxuu ku faah faahiyay waxyaabaha diirada ay ku saareen kulanka labada dhinac.

“Wafdi ka socda Madasha xisbiyada qaran ayaa ku booqday Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Mursal Sh. Cabduraxmaan guriga uu deggan yahay Guddoomiye Mursal ayaa casho sharaf u sameeyay madaxda Madasha oo uu hoggaaminaayay gudoomiyaha Mudane Shariif Sh. Axmad. So dhaweyn iyo casho sharaf ka dib ayaa la wada hadlay iyadoo si qoto dheer la isaga warbixiyay xaaladda dalka uu ku jiro iyo sida loo wajahayo ee ugu habboon ka guul gaariddeeda. Waxaa la isla qaatay in la wada shaqeeyo si dowladnimada Soomaaliya loo ilaaliyo loona sii qurxiyo ugu dambeyntii guddoomiya golaha Shacabka iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran waxay isla garteen in danta Soomaaliya ay ku jiro “Gacma wadajir bey wax ku gooyaan.”Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkastoo ay jiraan xaalado kala duwan oo Siyaasadeed, ayaa haddana kulankii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya wuxuu dareen gaar ah ku abuuray Villa Soomaaliya oo sheeda kala socotay kulankaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here