Ceel-Cali (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub oo dheerad ah kasoo baxaya dagaal culus oo gaystay khasaaro kala duwan oo xalay deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamada Kooxda Macaawiisley iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, kadib markii sida la sheegay Xubno kamid ah Kooxda Macaawisley ay weerar ku qaadeen Xaruno ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan laba saacadood halkaasi ka socday.

Dadka deegaanka qaarkood oo diidey in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Al-Shabaab iyo Kooxda macawiisleeyda.

Guddoomiyaha deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan Aadan Cali Seedow ayaa sheegay in dagaalkaas uu jiro,isla markaana uu ka dhashay khasaaro soo kala gaarey labada dhinac, balse ay dib ka soo sheegi doonaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Cali ee lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayana in Ciidamada Kooxda macawiisleyda ay dib uga soo laabteen deegaanka ay weerarka ku qaadeen ee Ceel-Cali.

Si kastaba, kooxda macawiisleyda ayaa dagaal wuxuu kala dhaxeeya Shabaab, waxaana ay kula dagaalamaan deegaano ka tirsan Hiiraan & Gobolka Shabellaha dhexe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here