Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa sii kordhaya weli tirada inta qof ee ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Saacadihii ug dambeeyay ayaa waxaa Isbitaalka Madiina la gaarsiiyay tiro meydad ah, oo ka mida dadkii rayidka ahaa ee lagu laayay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina, Maxamed Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay isbitaalka ayaa xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay meydadka sagaal qof, oo aan ahayn tiradii ay horey u hayeen ee ahayd 73 qof.

Agaasimaha ayaa xusay in isbitaalkooda oo keliya la keenay meydadka dad gaaraya 82 qof, kuwaa oo dhammaantood ka mid ah dadkii masaakiinta ahaa ee arxan laawe-yaasha ugu bareereen inay gumaadaan.

Waxaa jirtay meydad kale oo shalay la geeyay Isbitaalada Digfeer iyo Somali Sudanese. Digfeer ayaa la geeyay saddex meyd, halka meydka hal ruux la gaarsiiyay Isbitaalka Somali Sudanese, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 86 qof.

Dadka ku dhintay weerarkii saddexaad uguna dhiig daadashada badnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxay u badan yihiin arday, haween iyo carruur aan waxba galabsan.

Ardayda ku dhimatay qaraxan ugu dambeeyay ayaa waxay kala dhiganayeen Jaamacadaha Banaadir iyo Zamzam, inkastoo inta badan ay ka mid ahayd ardayda wax ka barata Jaamacadda Banaadir.

Maxamed Cabdiraxmaan, Madaxa Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Zamzam ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah ardaydooda ay ku geeriyoodeen qaraxaasi. Ardayda dhimatay ayuu sheegay in ay wadada taagneyd, ayna suggayeen baskii ay jaamacadda u raaci lahaayeen.

Qaraxan ayaa noqonaya kii saddexaad ee tiradii ugu badneyd oo dad ah ku gumaada Magaalada Muqdisho. Sidoo kale waa kii saddexaad ee waxyeelada ugu badan ka soo gaarto ardayda wax ka barata Xarunta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan bahalnimada ah, marka laga soo taggo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyay mintidiinta Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here