Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdulllaahi Deni ayaa muujiyey dareenkiisa iyo sida uu kaga tiiraanyooday dadkii shacabka ahaa ee maanta gelinkii hore lagu laayay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Geleyaasha Dowladda Puntland wuxuu u tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay, kaas oo uu cadawga ummada Soomaaliyeed ku xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu inuu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la Daalaa-dhacaayey noloshooda, una booga-dhayo intii ku dhaawacantay falkaasi wuxuushnimada ah” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Qaraxaan iyo kuwo kale oo Al-Shabaab ay soo wadaan aysan rabin Amni Dalka uu kusoo laabto Shacabkana ay sidaas u xasuuqayaan maalinba maalinta ka dambeysa ay dadka leynayaan.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wada jira loogu istaago sidii cadowga ummada Soomaaliyeed ee argagixisada ah meel looga soo wada-jeesan lahaa, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in ay la qayb sanayaan murugada iyo tiiraanyada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxaasi ee aan waxba galabsan, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu markale Allaah uga baryey intii ku dhimatay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna u booga-dhayo caafimaad deg degana siiyo Aamiin Aamiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here