Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Nin Ajnabi oo dhaqtarnimo uga shaqeynaayay Soomaaliya ayaa ku kacay fal uu ku dharbaaxay gabar Soomaaliyed, kadibna wuxuu ka baxsaday dalka.

Ninkaan oo u dhashay dalka Masar, ayaa wuxuu ka shaqeynaayay Isbitaalka Masaarida, gabadha uu dharbaaxayna, waxa ay ka hawlgaleysay isbitaalkaasi.

Sida ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ninkaasi oo la xiray ayaa lagu sii daayay qaab dammaanad ah, waxaana uu ugu dambeyn ka baxsaday dalka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay qof kasta oo Ajnabi ah, islamarkaana fal tacadi ah u gaysta qof muwaadin ah sharciga la horgayn doono.

Dhaqaatiir kala duwan oo Ajaanib ah ayaa ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo ka hawlgala Isbitaalada ku yaala Muqdisho, waxaana Ajaanibtaasi qaarkood ay sameeyaan falal ay ku maagaan muwaadiniinta Somaliyed.

Wasiirka Caafimaadka oo hadalkaan ka sheegtay Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsatay inay ansixiyaan Sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka oo ay ku jiraan qodobo xakameynaya sida dhaqaatiirta Caafimaadka Ajaanibta ah dalka uga howlgeli karaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

3 COMMENTS

  1. Waa nasiib darro, in nin ajnebi ahi dhirbaaxo gabar Somali ah, taasi waxay cadeyneysaa maamul xumada ina haysata, war nin ajnebi ah Damiin lagama noqon koro, waxa damiin ka ah, Baasaboorka oo Bolisku ka qaado, sida aduunyada ka jirta, maamul xumo wa taas. midda kale, dadkaan , imaanaya wadanka ee sheeganaya dhakhaatiirta, injiyeerada, iyo wax kaleba, waa in la soo cadeeyaa ee safaaradooda la weydiiyaa ninkaan meesha uu ka degan yahay wadankiisa, waxa isga faylkiisa cadeynaya waa safaarada, xitaa hadey been tahay Shaaadada uu sitaa. hadii la xiro iyada ayaa damiinan karta Laba beri oo qura. badownimaa la idinku gartay, aduunka ajnebi lama ixtiraamo, sidaasuu yeelaa. dadka iska celiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here