Baydhabo (Halqaran.com) – Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Sabtidii maanta Amar iyo digniinba uu u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Deegaanada Koonfur Galbeed.

General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Cirro) ayaa wuxuu amray Saraakiisha iyo Ciidamada Xoogga Dalka ee fasax la’aanta ku joogga Magaalada Baydhabo iyo meel kastoo ay noqotaba inay dib ugu laabtaan xeryahooda/fariisimahooda.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay ciddii ka dhega adeegtaa amarkaasi inay la tiigsan doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayna wejihi doonaan sharciga.

Taliyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa wuxuu sheegay in ay u diyaargaroobeen guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, si la isugu furo wadooyinka xiran.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay inay furi doonaan wadooyinka iyo deegaanada ay go’doomiyeen dagaal-yahanada Al Shabaab, taasina ay xilligan diyaar u yihiin.

Hadalka Taliyaha ayaa wuxuu daba socdaa Ciidankii Militariga ee joogay Deegaanka Goofgaduud Buurey oo intooda badan isaga soo baxay halkaasi, dibna ugu soo laabteen Magaalada Baydhabo iyo Shabaabka oo saakay soo weeraray Goofgadud Buurey.

Ciidan gurmad ahaa oo isla saakay laga diray Magaalada Baydhabo ayaan weli gaarin deegaankaasi, sababo ku aadan ciidanka oo ku mashquulsan sidii ay wadada uga saari lahaayen miino la sheegay inay ku arkayn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here