Cadale (Halqaran.com) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe oo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.

Hawlgalka Ciidanka ayaa waxa ay kula wareegeen Tuulada Ceelgub oo qiyaastii 10 km u jirta Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha dhaxe oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Dagaal xooggan oo ka dhacay tuulada Ceelgub, ayaa lagu soo waramayaa in Maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu gaarsiiyay Khasaare xoog leh, sida Saraakiisha ay sheegeen.

Hawlgalka waxaa hoggaaminaayay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Cali Bariise oo Ciidanka ku dhiirageliyay inaysan ka soo laaban deegaanka Shabaab ay ka qabsadeen.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa Gobolka Shabellaha dhexe ka wada dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay ku doonayaan inay ku gaaraan dhul hor leh oo ka tirsan deegaanada Al-Shabaab ay Maamulaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa wali awood waxa ay ku leeyihiin Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe oo ay maamulaan, qaarkoodna si dadban amaradooda ay uga shaqeeyaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here