Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in la adkeeyay ammaanka Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa warqad amni xaqiijin oo ay soo saartay waxaa lala wadaagay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ilaaliya wadada laga soo galo Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, isla-markaana tagta Garoonka Shaati Gaduud.

Warqadda ayaa waxaa ku qorneyd inaanay soo sii deyn karin Masuuliyiintii iyo Saraakiishii loo ogolaa inay hubka la soo galaan Madaxtooyada, illaa iyo inta laga soo geba-gabeynayo munaasabadda sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Khamiistii maanta ayaa waxay ku buuxdaa mudddo sanad ah, markii uu doorashada ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo caawa lagu wado in Madaxtooyada Baydhabo lagu qabto munaasabad ku aadan sanad guuradaasi.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa gaaraya wafuud kala duwan, si ay uga qaybgaleen xafladda ballaaran, ee loo sameynayo Madaxweyne Lafta-gareen.

Dhinaca kale, gelinkii dambe ee Arbacadii shalay ayaa waxaa Magaalada Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wafdiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, oo ay ka mid tahay afada Gudoomiyaha, Marwo Samiira Xasan Cabdulle, waxaana Baydhabo uga sii horeeyay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here