Kismaayo (Halqaran.com)- Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta oo Tallaado ah waxaa gaaray Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka irsan Maamulka jubbaland iyo xubno kale oo halkaas ku suganaa.

Xubnahan la socda James Swan ayaa doonaya in ay dadaallo ku bixiyaan xallinta tabashooyinka ka dhashay doorashadii ka dhacday magaalada kismaayo ee markale lagu doortay Axmed Madoobe.

Waxaa dib loo dhigay kullankii ururada bulshada rayidka soo jeedin ka timid wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay soomaliya James Swan, taasi badalkeeda oo uu dalbaday inuu kullankiisa ugu horeeyo la qaato madaxweyne Axmed Maxamed Islaaam.

sido kale waxaa haatan socda kullan ay albaabada u xiran yihiin oo u dhexeeyo wakiilka gaarka ee qaramada midoobay ee soomaaliya James Swan iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli halkiisa uu taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda faderaalka iyo Maamulka Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii maamulkaasi.

James Swan ayaa maalmihii dambe safaro ku kala bixinayey xarumaha maamul Goboleedyada, isaga oo waday kulamo wadatashiyo ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here