Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Xabsiga Dhexe Xamar, General Maxamed Shiikh Cumar (Xirsiile) ayaa wuxuu ku kacay fal dareen argagax leh ku abuuray bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa isbitaalka ka soo saaray mid ka mid ah maxaabiista Xabsiga Dhexe Xamar, ka dib markii xaaladiisa caafimaad wax looga qaban waayay gudaha xabsiga, loona baahday in goob caafimaad loo qaado.

Taliyaha oo maxbuuska kaga daba tagey isbitaalka ayaa ka soo saaray, waxaana lagu soo qaaday mid ka mid ah gaadiidka gargaarka deg degga, ee ay leeyihiin Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, iyadoo uu maxbuuskii dib ugu celiyay xabsiga.

Afar iyo labaatan saac ka dib ayaa la sheegay in Xabsiga Dhexe uu ku geeriyooday maxbuuskaasi, oo markii xabsiga lagu soo celinaayay ay xaaladiisu garaab ahayd.

Dadka ayaa waxay barraha bulshada ku wadaageen muuqaal laga duubay maxbuuska, markii laga soo saaraayay isbitaalka, lana saaraayay gaarigii ay Ciidamada Asluubta ku geeyeen xabsiga.

Ehelada marxuumka geeriyooday ayaa waxay cambaareeyeen falka wuxuushnimada leh ee uu ku kacay General Xirsiile, iyagoona dalbaday in cadaaladda la horkeeno.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dhacdadan lala wadaagay Xafiisyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sooamaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Ilaa iyo hadda ma cadda inay qoyska marxuumka cadaalad heli doonaan iyo inay dowladda tiraahdo waxaan u xil saarnay guddi soo baaro, hadhowna meesha looga aamuso ama sidaas lagu ilaabo.

Halka hoose ka Daawo Muuqaalka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here