Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay xalay Magaalada Muqdisho kula kulmeen Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ee 2020/2021.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa Aqalka Villa Hargeisa ku qaabilay Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisaba ayaa waxay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Golaha Shacabka ka dhageysteen warbixin ku aadan Doorashooyinka Dalka lagu wado inay ka dhacaan 2020/2021.

Sidoo kale Guddiga Doorashooyinka ayaa waxay faah faahin kooban ka bixiyeen akhrinta saddexaad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo lagu wado in la horgeeyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa maalmaha soo socdo lagu wadaa inay sii amba qaadaan doodaha ay ka yeelanayan Doorashooyinka Qaranka.

Xilli aanay kala cadayn nooca ay noqon doonto doorashooyinka sanadka soo socda ayaa waxaa hadana jira khilaaf hareeyay Doorashooyinka Qaranka.

Beesha Caalamka oo kale waxay dadaal ugu jirtaa, sidii ay Dowladda Federaalka u qaban laheyd doorasho qof iyo cod ah, taasoo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya qabaan inay adag tahay qabsoomideeda, iyagoo u sababeenaya waqtiga adag ee dalka uu ku jiro.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here