Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Dunida (IOM) ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan xoojinta iyo ka wada shaqeynta arrimaha socdaalka.

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo Madaxa Xafiiska IOM ee Bariga Afrika Maxamed Cabdulqaadir.

Heshiiskan ayaa ah mid boorka looga jafayo heshiis ay labada dhinac horay u wada gaadheen 1983-kii kaas oo diiradda lagu saaray hirgelinta barnaamijyo loogu talagalay in lagu beddelo maskaxda dadka u hanqaltaaga dhoofka dibadaha ee ku nool dalalka soo koraya sida Soomaaliya.

Wasiir Jamaal ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo iskaashi dhow oo dhexmara IOM iyo Dowladda Soomaaliya isaga oo hay’adda uga mahad celiyay taageeraha hagar la’aaneed ee ay la garab taaganyihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dib u soo nooleynta ololayaal lagula dagaallamayo tahriibka dhallinyarada.

IOM ayaa dhankeeda amaantay guulaha la taaban karo ee Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay gaareen tobankii sano ee la soo dhaafay. Waxa uuna xafiisku ballanqaaday in uu Soomaaliya kala shaqeyn doono hirgelinta Hiigsiga Caalamiga ah ee Socdaalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here