Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo Ahlu Sunna oo ay gacan ka gaysteen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay.

Mr. Kheyre ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug in ay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeega shacabka reer Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan bulshada reer Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul gacannna ka gaystaan hirgelinta heshiiskan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyay Ahlu Sunna Waljacaaca daddaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

Kheyre ayaa ugu dambeyn u mahad celiyay cidwalba oo Soomaaliyeed oo gacan ka gaysatay heshiiskan iyo xubnaha beesha caalamka oo marwalba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here