Baydhabo (Halqaran.com) – Wafdigan Ka Socday Qaramada Midoobey ee Maanta Soo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Waxaa Hogaaminayey Wakiil Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Somaliya James Swan Xarunta Aqalka Madaxtooyada Kumeel Gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo Waxaa Kuso Dhoweyey Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Maalgashiga Hormarinta Dhaqaalaha DGKg Axmed Madoowe Nuunow Maxamed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Kg Ibraahim Cabduqaadir Maxamed

Soo Dhoweyn ka Dib Madaxda ayaa Wada Qaatan kulan Saacado Qaatay Oo looga Hadlayey Arimaha Doorashooyinka Dalka Sidii ay uga Dhici lahayd Qof Iyo Cofkiisa Doorashada 2020 Hormarinta iyo Taakulaynta ay Sii Nayso Qaramada Mudoowey Somaliya Mashaariicda Hormarineed ka Socda Gobolada Koonfur Galbeed iyo Dardar gelinta Howlgalada Lagu Ciribtiraayo Maleeshiyaadka Alshabaab ee Kasocdo Guud ahaan Dalka

James Swan oo Warfidiyeenka la hadlay ayaa Sheegey Suurtagalnimada Doorashada Qof iyo Cod inay ka dhacdo Somaliya iyo Xiriirka Mamul Goboleedyada Dalka iyo Dowlada Federaalka Sidii loo Wanaajin lahaa Waxaana uu Amaanay Howlgalada Kasocda KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo Wafdiga Kuso Dhoweyey Aqalka Madaxtooyada ayaa Sheegey muhiimada kulanka Waxyabihii ay kawada Hadleen Waxaana uu Tilmaamay inay ka hadleen Amniga Doorashooyinka 2020 Mashaariicda Hormarineed ee kasocda Gobolada Kg iyo Wanaajinta Xiriirka Maamul Goboleedyada Dalka iyo DFS.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here