Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho /Sawir hore/Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Faah-faahino dheeraad ah kasoo baxaya Rasaas laga maqlayo Caawa Gudaha Magaaladda muqdisho.

Rasaasta oo u muuqato mid la is weydaarsanayo ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ka socoto inta u dhaxeyso Villa Soomaliya iyo Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen suxufiyiin goobta ku sugan, waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka inta u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo Hoteel SYL.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in kooxo ka kooban 5-dagaalyahan ay galeyn Hoteelka SYl, islamarkaana ay halakas ka dagaallamayaan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan lagu qaaday hoteelka Syl oo dhowr jeer Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerareen.

Si kastaba, hotelkan la weeraray ayaa waxaa degan Masuuliyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan, sidoo kalena waxaa iminka lagu uruurinayay shakhsiyaad taageersan dowladda, oo la damacsan yahay in lagu darro Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here