Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM
Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia ayaa sheegtay tirada Ciidamadeeda ku jira gudaha Soomaaliya ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Danjiraha dalka Ethiopia ee Kenya Meles Alem, oo wareysi dheer siiyay wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa kaga hadlay sida ay Ethiopia uga suuragashay in ay Kenya kaga wanaagsanaato ka hortagga weerarrada Al-Shabaab.

Sidoo kale, Meles Alem, ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ee ku jira gudaha Soomaaliya ay tiradooda u dhaxeyso 9,000 ilaa 15,000 oo askari kuwaas oo qaabilsan qeybta 3aad ee Amisom oo ka kooban gobolada kala ah Baay, Bakool iyo Gedo.

Ciidamada Ethiopia waxaa sidoo kale ay qeyb ka yihiin qeybta 4aad ee Amisom oo ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud, waxaana ay joogaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Beledweyne.

Kenya Ciidamada ka jooga Soomaaliya waxaa lagu sheegay 2,500 ilaa 4000 oo askari, waxaa ay ka howlgalaan gobollada Jubada hoose , Jubada dhexe iyo Gedo, waxaana loogu yeeraa qeybta 2-aad ee Amisom.

Danjire Meles Alem, ayaa sheegay in intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2017 ay Ethiopia ka dhaceen  46 dhacdo la xiriirta Al-Shabaab ayna ku dhinteen 361 qof kuna dhaawacmeen 160 qof oo kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here