Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow na soo gaaray ayaa sheegaya, in fiidkii caawa Magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah mooto bajaajleyda ka shaqaysa magaalada.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ninkaasi ku dilay wadada Ex Kulliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Askarigan oo ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa la sheegay in uu ku amray darawalka in uu istaago, balse uu ka dhego adeegay, iyadoona uu rasaas ku furay.

Mooto Bajaajlaha ayaa waxaa la soo sheegaya in uu goobtaasi ugu geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaastii uu askarigaasi ku furay.

Qof goobjooge ahaa ayaa waxa uu sheegay in mooto bajaajlaha uu ka cararaayay lacago aan sharci ahayn oo uu ka doonayay askarigaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay xilliyada fiidkii soo istaagaan wadooyinka magaalada qaarkood, iyagoo lacago sharci-darro ahi weydiista wadayaasha gaadiidka dadweynaha.

Bishii aynu ka soo gudubnay ee November ayay ahayd markii Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis iyo Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan lagu kala dilay laba wiil oo ka mid ahaa dhalinyarada ku xamaalata bajaajta.

Ciidamada Dowladda ayaa waxay weli Magaalada Muqdisho ka wadaan beegsiga ay ku hayaan wadayaasha mooto bajaajta ee ka shaqeeya Caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here