Jilib (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Sabtidii shalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn ay fulisay diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya, in duqeynta lala beegsaday guri ku yaallo Magaalada Jilib, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay duqeyntaasi oo soo gaaray xubno Shabaab ka tirsan.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday shalay gelinkii dambe ay baarayaan khasaaraha ka dhashay.

Sida caadiga ah Mareykanka marka uu fuliyo duqeyn waxaa uu sheegi jiray in uu ku dilay xubno ka mid ah Al-shabaab sidoo kalena aysan ku dhiman dad rayid ah.

Hase ahaatee duqeynta shalay ka dhacay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayuu Mareykanku sheegayaa in illaa hadda uusan heyn khasaaraha ka dhashay, islamarkaana uu baaritaan ku hayo wali.

Dowladda Mareykanka ayaa saddexdii sano ee ugu dambeysay sare u qaadday Weerarrada ka dhanka ah AL-shabaab iyo Daacish ee ka dhacayay bartamaha iyo koofurta Soomaaliya iyo Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari ee Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here