Nairobi (Halqaran.com) – Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maadey ayaa markii ugu horreysay ka warbixiyay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Guddoomiye Maadey ayaa sheegay in kulanka isaga iyo Axmed Madoobe ku dhexmaray Nairobi uu daarranaa sidii ay u wadahadli lahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF ayaa xusay in ay tahay wax laga xishoodo in Itoobiya oo ay ku noolyihiin dad kala af iyo diin ah ay ku mideysanyihij dowlad islamarkaana Soomaalida oo intaas ka mideysan aysan is fahmeyn.

Wuxuu intaasi ku daray, in Axmed Madoobe uu kala hadlay sidii uu wadahadal ula furi lahaa dowladda Soomaaliya, islamarkaana loo dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac.

Ugu damebyn, Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maadeey ayaa sheegay in horay ay ula kulmeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kalana hadleen khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland, halkaasna uu ka dhashay kulanka Axmed Madoobe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here