Xildhibaanad Daleys Xasan Aadan

Muqdisho (Halqaran.com) – Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo horey uga tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), haataana ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay in amarka lagu celiyay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ka tirsan uu yahay mid ka soo baxay Madaxda Qaranka.

Xildhibaanad Daleys Xasan Aadan ayaa waxay Isniintii sheegtay in Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ka hor istaagtay safar ay dooneysay inay ku tagto Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Korneyl Cabdullaahi Cali Macow ayaa sheegay in marka ceynkani oo kala ah uu yahay amar meel fog amaba meel sare ka yimid, marka aad fiiriso siyaasadda ay dowladdu ku wajahayso Gobolada Jubbaland.

Waxaa uu sheegay siyaasadda dowladda ee haataan kaga aadan Jubbaland ay tahay in la go’doomiyo Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo, loona diido inay u safraan dadka ka fekerka duwan Villa Soomaaliya, sida uu yiri.

Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa soo hadalqaaday tallaabadii Shariif Sheekh Axmed 22-kii bishii September looga hor istaagay in uu u safro Magaalada Kismaayo, taasina ay muujinayso sida Villa Soomaaliya u diidan tahay inay Jubbaland u safraan dadka aan ku fekerka ahayn, marka ay noqoto arrimaha Jubbaland.

Qorshaha ay Dowladda Federaalka ku go’doominayso Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu ku sheegay dhaqan xumo ka yimid Villa Soomaaliya, iyadoo siyaasadeeda gaaarka ah u adeegsanayso Ciidamada Dowladda.

“Waxaan waxaa waaye dhaqan xumo ka yimid Villa Soomaaliya oo ciidamada loo adeegsanayo danaha gaarka ah ee ay leeyihiin, oo ay rabaan inay dadka Soomaaliyeed ku cadaadiyaan.” Ayuu yiri Korneyl Macow.

Korneyl Macow ayaa wuxuu muujiyay inaanan loo baahnayn in dadka Soomaaliyeed awood loo adeegsado, ayna caqabad tahay in cid kasta oo ka feker duwan dowladda lagu xakameeyo/caburiyo ciidamada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here