Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee waqtigiisu sii dhamaanayo ayaa sheegay inaanu jadwalkaasi waxba ka gelin Ahlu Sunada Galmudug.

Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed oo sidoo kale ka mid ah xubnaha sida dhow loola xiriiriyo Ahlu Sunada Galmudug ayaa sheegay jadwalka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Galmudug, laguna soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug uu yahay mid aan quseynin Ahlu Sunna.

Guddiga Farsamada ee Maamulka u Samaynta Galmudug ayaa waxay Isniintii soo saareen jadwalka lagu soo xulayo Xildhibaanada cusub, sidoo kalena lagu soo dooranayo Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha xigga. Guddigan oo ah midkii ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa waxay jadwalka ku sheegeen in soo xulista Xildhibaanada cusub ay bilaaban doonto 29-ka bishan November.

Jadwalkan ayay ku sheegeen in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka la qaban doono 13-ka illaa 16-ka bisha soo socoto ee December, halka Doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisana la qabanayo 17-ka illaa 23-ka bishaasi.

Xildhibaan Shaacir Sheegow ayaa wuxuu sheegay inaanay Ahlu Sunna marnaba aqbali doonin jadwalkaasi, maadaama Guddiga Doorashooyinka uu yahay mid aanay Ahlu Sunna aqoonsanayn.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ahlu Sunada Gobolada Dhexe uu weli shir aan loo kala kicin uga soconayo Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay ka soo saari doonaan mowqifkooda ku aadan jadwalkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Ahlu Sunna ay ka careysan yihiin Dowladda Federaalka oo ay ku eedeynayan in ay ku ballan furtay, ka dib markii ay dowladdu ka laabatay heshiiskii ahaa in Ahlu Sunna 35 Xildhibaan laga siin doono Baarlamaanka Galmudug.

Wararka aan ka helayno Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inaanay Ahlu Sunna qayb ka noqon doonin dhismaha maamulka cusub ee Galmudug, illaa iyo inta laga meelmarinayo heshiiskii ay bartamihii sanadkan wada gaareen Dowladda Dhexe.

Dowladda Federaalka ayaa bishan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ka samaysay hawlgalo ay kula wareegtay Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, tiiyoo aanay wax iska caabin ah ka samayn Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Ugu dambeyn, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug ahna xubin ka tirsan masuuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunna ayaa sheegay inaysan dowladda ka maleysanaynin tallaabadaasi, isla-markaana aanay iyagu doonayn dagaal uu dhiig ku daato.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here