Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ee waqtiga loogu kordhiyay Xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Cabdi Siciid Maxamed Cali la taliyaha dhinaca ammaanka ee Madaxweynaha Dowladdda Soomaaliya ayaa sheegay in xayiraadda dheeraadka ah ee cunaqabateynta Hubka ay micnaheeda tahay in Soomaaliya loo diidayo in ay xasiloonideeda soo ceshato.

Waxa uu sheegay la taliyaha in dalal saaxiibo la ah Soomaaliya ay kasoo horjeedaan in Soomaaliya Cagaheeda isu taagto, islamarkaana yeelato Ciidamo awood badan.

Shir Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay ku yeesheen Magaalada New York ee dalka mareykanka ayaa waxa ay ku go,aamiyeen in muddo sanad ah lagu kordhiyo xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here