Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan

Kismaayo (Halqaran.com) – Jubbaland ayaa waxay shaaca ka qaaday inay Dowladda Somaliya diyaarinayso ciidan ay ugu talagashay in iyada lagu burburiyo, iyadoona tallaabadaasi ku sheegtay mid nasiib-darro ah.

Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ayay kaga arrinsadeen xaaladda ku soo korortay Gobolka Gedo, oo Jubbaland ay sheegtay in Dowladda Somaliya ku diyaarinayso ciidan ay ugu talagashay inay burburinteeda u adeegsato.

Madaxweyne Ku-xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo, ka dib markii kulankaasi la soo geba-gabeeyay ayaa ka hadlay wararka ku aadan ciidamada la sheegay in dowladdu u adeegsanayso burburinta Jubbaland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa wuxuu bidhaamiyay in Ciidamada Militariga Itoobiya iyo Nabad Suggida Somaliya ay Gobolka Gedo ka wadaan arrin ka baxsan sharciga, sida uu yiri.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa wax nasiib-darro ah ku sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu burburinta Jubbaland u adeegsado Ciidamo Itoobiyaan ah.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa shirkiisaan jaraa’id ee galabta uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ku xusay in cabasho arrintaasi ku aadan ay u gudbin doonaan Dowladda Itoobiya iyo Beesha Caalamkaba, si ay ugu muujiyaan burburinta Maamulka Jubbaland ee dowladda ka bilaabayso Gobolka Gedo.

Eedeymahan ka soo yeeray Maamulka Jubbaland ayaa waxaan jirin wax war ah oo ay ka soo saartay Dowladda Somaliya, waxayna ku soo aadaysaa, xilli Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Kenya ay galabta heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Nairobi.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa soo jiitamaayay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Dowladda Somaliya iyo Maamulka Jubbaland, kaasoo ka dhashay doorasho natiijadeeda lagu murmay oo mar labaad lagu soo doortay Axmed Maxamed Islaaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here