Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria Axmed Rufaaci

Muqdisho  (Halqaran.com) – Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria Axmed Rufaaci, ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid Magaaladda Muqdisho.

Booqashadaan ayaa qaadan doonta muddo labo maalin ah, wuxuuna la kulmi doonaan Hogaanka Taliska NISA.

Kulan uu la qaatay Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa looga hadlay iskaashiga labada hey’adood iyo sidii ay isku weydaarsan lahaayeen khibradaha la xiriira dhanka la dagaalanka Argagixisada.

Qoraal lagu daabacay barta Twitterka NISA ayaa lagu sheegay ayaa lagu yiri:-

“Waxaa booqasho shaqo oo laba maalin ah ku yimid Muqdisho Agaasimaha Sirdoonka Naajeeriya(NIA) Axmed Abubakar Rufaaci, isagoo kulan laqaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yasin, waxayna kala saxiixdeen isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhex marta labada Hay’adood ee labada dal”

Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa mudooyinkii dambe waday kulamo uu la qaadanayay sirdoonadda dalalka qaaradda Afrika.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here