Garoowe (Halqaran.com) – Guddiga doorashadda baarlamanka dowlad goboleedka Puntland oo Sabtidii maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey xiliga la qabanaayo doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.

Sida ku cad habraaca guddiga, musharrax kasta waxaa laga doonaya in uu soo gudbiyo qoraal codsiya iyo laba sawir oo uu ku soo lifaaqay nuqul kamid ah taariikh nololeedkiisa, si loo diiwaan-geliyo, looguna aqoonsado musharrax u tartamaya doorashada guddoomiyaha Baarlamanka.

Waxay billaabaneysaa diiwaangelinta musharrixiinta, maalinta Axadda berri oo ku beegan 10-ka bishan November, waxaana ay socon doontaa mudda saddex maalmood ah, iyadoo ku eg 13-ka bisha oo ku beegan maalinta Arbacada ah.

Musharrax kasta ayaa laga saxiixi doono warqad caddaynaysa in uu aqbali doono natiijada doorashada, iyadoo qofkii saxiixi waaya loo aqoonsan doono in uu ka tanaasulay tartanka doorashada, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Haddaba hoos ka akhriso Habraaca doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here