Bu’aale (Halqaran.com) – Duqeyn dhanka cirka ayaa siyaabooyin kala duwan looga fuliyay Degmooyinka Bu’aale iyo Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo duqaymaha lala beegsaday xarumo ay leeyihiin Ururka Al Shabaab.

Duqaymahan ayaa waxaa xalay lala beegsaday xarun ay maleeshiyada Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen iyo xarun kale oo sida la sheegay lagu tababari jiray maleeshiyada Al-Shabaab.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) ayaa waxaa qaraxyadaasi oo gaadiid lagu diyaarinayay lala damacsanaa in laga gaysto Magaalada Muqdisho.

Wakaaladda wararka SONNA oo soo xiganaysa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda waxaa duqaymahaasi gaystay Ciidanka Difaaca Qaranka iyo saaxiibadood, oo loo maleynayo inay yihiin Ciidamada Mareykanka.

Dad ku kala sugan Degmooyinka Bu’aale iyo Saakow ayaa laga soo xigtay in ay maqleen illaa toddobo jug, oo lala bartilmaameedsaday xarumaha Ururka Al Shabaab.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarada dhinaca cirka ee laga kala fuliyay Degmooyinka Saakow iyo Bu’aale, oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ayaa inta badan gaysta duqaymaha ka dhanka ah Shabaabka hubeysan, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka Somaliya iyo joogitaanka dalka ee Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (Amisom).

Tan iyo markii uu xafiiska qabtay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayuu Mareykanku dardar-geliyay weerarada dhinaca cirka, ee uu ka gaysanayo gudaha dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here