Baydhabo (Halqaran.com)- Xili Guud ahaan Magaaladda Baydhabo ka Da,ay Roobabka Deyrta Ayaa waxaa saameyn Xoogan Ku Reebey Dadka barakacyaasha ah Ee ku Nool Duleedka Magaalada Baydhabo,
Waxaana Saameynta Roobka Deyrta Kamid ahaa Xaalad Caafimaad Daro oo soo wajahdey Bulshada Qeybaheeda kala duwan Ee ku Nool Duleedka Magaalada.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Tiirow Oo Kamid ah Isbitaalada Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa uu ukuura galey Xaalada Caafimaad Ee Dadka barakacyaasha ah Ee ku Nool Duleedka Magaalada Baydhabo,

Isbitaalka Tiirow Oo ka duuleya Xaalada Caafimaad Daro Ee Soo Wajahdey Barakacyaasha Ayaa waxaa uu Bilaabey in Kamaamka Dadka Dan’yarta ah Gaarsiiyo Daawo Lacag la,aan ah Iyo Dhakhaatiir Si bilaash ah uga shaqeysa Dadka dan’yarta ah ee ku Nool Kaamamka Barakacyaasha Duleedka Magaalada Baydhabo.

Dr Isaxaaq Maxamed Tiirow Oo Ah Milkiilaha Tiirow Hospital Ayaa waxaa uu Sharaxeya Daawadan Lacag la’aanta ah Oo manta Soo Gaarsiyeen Dadka dan’yarta ah ee ku Nool Kaamamka Duleedka Magaalada Baydhabo.

Isack ibrahim mohamed (Shigshigow) Oo ah Milkiilaha Shigshigow Bay Farmasi Oo asna Qeyb ka ahaa Masulinta Daawada lacag la’aanta ah bixineysey ayaa Waxaa Bogaadiyey Tiirow Hospital Asagoona Balan qaadey in ay Gacan ka Geysan Doonaan Daaweynta Dadka dan’yarta ah ee ku Nool Kaamamka.

Qaar kamid ah Bulshadii Ka Faaiideysatey Daawadan Lacag la’aanta ah Ayaa Umahadceliyey Masulinta Isbitaalka Tiirow Waxeyna sheegeen In Xiligan ay si aad ah uga dhib qabeen in la soo gaarsiiyo Dawo Lacag la,aan ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here