Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan adkeynta ammaanka xadka ay wadaagaan labada dal iyo fududeynta isu socodka ganaciga.

Kulan ay magaalada Washington si wadajir ah ugu yeesheen wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Ku-simaha Xoghayaha Lacagta Kenya Ukur Yatani, ayay ku heshiiyeen in muranka badda uusan saameyn ku yeelanin xiriirka labada dal.

Kulanka kaddib, shir jaraa’id oo ay qabteen ayay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay kor u qaadidda iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Labada masuul ayaa wacad ku maray inay muranka badda aanu marnaba dhaawici doonin iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddo dheer ku muransanaa xadka badda.

Sanadkii 2014, Soomaaliya waxay ku dacweysay Kenya, maxkamada caalamiga ee cadaaladda.

Dabayaaqadii 2017, Soomaaliya waxay ku guuleysatay dalabkeedii ugu horreeyay ee lagu xallinayo kiis ku saabsan muranka badda ee horyaalla maxkamadda ICJ.

Toddobaadkii hore, Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah waxay oggolaatay codsi ka yimid Kenya, kaas oo ay ku dalbaneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda ee ku saabsan kiiska badda ee ay la leedahay Soomaaliya.

Si kastaba, Maxkamadda ICJ ayaa go’aamisay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska ilaa 8-da Juun 2020 waxayna ka digtay inaysan jiri doonin dib u dhac dambe. waana markii labaad ee Kenya la siiyo codsi dib u dhigis ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here