Muqdisho (Halqaran.com) – Xilli sanadkan ay shaqooyin culus horyaalaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, lana doonayo in ay qabtaan ayaa waxaa amar lagu soo rogay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee xilalka ka haya Xukuumadda Somaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qabtaan shaqooyinka horyaala.

Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay inay jiraan Xildhibaano fara-badan oo ka maqan kulamada, ay yeelanayan Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaasi ayuuna sheegay in looga baahan yahay in kulamada ka soo qaybgalaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa farta ku fiiqay Xildhibaanada ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda, waxaana uu ku amray in laga doonayo in ay kulamada ka soo qaybgalaan.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku celiyay in Xildhibaanadaasi uu ku amrayo in ay yimaadaan fadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta hadalkan ka sheegay kulankii ugu horeeyay ee Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka, oo Xildhibaanadu ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa markii ugu horeysay ka qabsoomay Xarunta cusub ee Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here