Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro qabsoomida Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay si rasmi ah u bilaabato Xaflada caleemo saarka Madaxweynaha oo dhaceysa maanta oo Sabti ah.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland iyo Booliska Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan wafuudii ugu badnayd ee mucaarad ah, kuwaasi oo u tagay halkaa ka qayb galka xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale waxaa xafladda ka qayb galaya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Gudoomiye Ku xigeenka Aqalka Sare ee dalka Abshir Bukhaari.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa iyagana ku sugan Magaalada Kismaayo oo ka qayb galaya xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si wayn kaga xun waxa ka socdo Magaalada Kismaayo, maadaama ay ka soo horjeedo doorashadii lagu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here