Ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya /Sawir hore

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday xilliga ay ciidankooda dalka kala baxayan, kuna wareejinayan Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa maanta ku dhawaaqay in sanadka 2021 ay ciidankooda ka saarayan Somaliya, isla-markaana ay ku wareejin doonaan kuwa Dowladda Somaliya.

Wakiilka Midowga Afrika ayaa cadeeyay in guud ahaan amniga Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ay ku wareejin doonaan Ciidamada Somaliya, marka la gaaro sanadka 2021.

Wakiilka ayaa ku waramaya in uu socdo qorshe Ciidanka Xoogga Dalka loogu diyaarinayo in Ciidanka Amisom kala wareegaan goobaha ay dalka kaga sugan yihiin sanadka 2021, sida uu yiri.

Madaxa Ciidanka Amisom ayaa dhanka kale sheegay in ay jiri karto caqabad ku timaada qorshaha ay ciidanka ugala baxayan Somaliya, maadaama sida uu sheegay ay wajahayan dhaqaale la’aan, taasina ay dib u dhac ku keeni karto ujeedada ay ku doonayan in ciidanka ugala baxaan dalka.

Sidoo kale waxaa uu xusay ka hor inta aan la gaarin mudada Ciidanka Amisom laga saarayo Somaliya loo baahan yahay in la xoojiyo dhismaha iyo taageerada Ciidanka Xoogga Dalka, loona dhameystiro qalabka ay u baahan yihiin.

Amb. Francisco Caetano Madeira oo ka hadlayay Shirka Madasha Iskaashiga Somaliya oo gelinkii dambe ee maanta lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu heshiiyay in shan iyo tobanka bilood ee soo socda loo diyaariyo Ciidamada Somaliya tallaabada ay kula wareegayan amniga dalka, si looga maarmo Xoogaga Amisom, dalkana uga baxaan 2021.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa qaba haddii si wadajira loo wajaho caqabadaha jira la gaari doono yoolka laga leeyahay sanadka 2021.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here