Balli-doogle (Halqaran.com) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa weerar kale oo dhinaca cirka ka gaystay Gobolka Shabellaha Hoose, xilli shalay ay laba duqayn ka gaysteen gobolkaasi, ka dib weerarkii Garoonka Balli-doogle.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa saqdii dhexe ee xalay duqayn ka gaystay agagaarka Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana lagu qaarajiyay Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaa.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqayntan lagu dilay Sarkaal Shabaab ka tirsanaa, inkastoo aanu talisku sheegin faah faahin intaas ka baxsan.

Taliska AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaanay jirin wax rayid oo ku waxyeeloobay duqaynta habeenkii xalay ahaa ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barrow.

Mareykanka oo ka jawaabaya weerarkii ay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen Garoonka Balli-doogle ayaa Isniintii duqayn ku dilay toban ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, halka gaari dagaal-na uu ku burburiyay.

Mareykanka ayaa sheegay inaanay waxyeelo askartooda iyo kuwa Soomaalidaba ka soo gaarin weerarkii Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ee dagaalka dalka ka wada oo masuuliyadda weerarkaasi sheegtay ayaa ku faanay in ay ku dileen boqol ka mid ah labada ciidan ee garoonkaasi degan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here