Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa beenisay in xayiraad la saaray diyaaradaha u socdaala dhanka Magaalada Kismaayo, xilli todobaadkaan diyaarad uu Kismaayo u raaci lahaay Madaxweynihii hore ee Somaliya lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde.

Waxa ay beenisay dowladda Soomaaliya inuusan jirin go‘aan ay soo saartay oo lagu mamnuucay muddo saddex cisho ah diyaaradaha inaysan tagi karin Magaalada Kismaayo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin warqad rasmi ah oo lagu joojiyay duulimaayada aada Magaalada Kismaayo oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay go‘aanka ay soo saareen kaliya inuu ahaay diyaaradaha 24-saac inay ku soo sheegaan duulimaadkooda Magaalada Kismaayo si dowladda dhaq dhaqaaqa diyaaradahaasi ay ula socoto.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Maareeyaha Hay‘adda duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay go,aanka ah in dowladda lagu soo wargeliyo duulimaadyada Magaalada Kismaayo uu yahay wax iska caadi ah oo cid gaar ah aanan loogu darnaanin.

Sida muuqata dowladda Soomaaliya ayaa iska indha tiraysa go‘aankii ay ku joojisay duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo go,aankaasi oo ka dhashay saameyn adag, kadib markii diyaarad uu raaci lahaay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed la xanibay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here