Nairobi  (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa amar ku bixisay in shacabka heysta hubka aan sharciyeysneyn ay gacanta dowladda ku soo wareejiyaan muddo sideed maalmood gudahood ah.

Agaasimaha Hay’adda Xakameynta Hubka ee Kenya, Maxamed Amiin oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in hub qiyaastii dhan 650,000 oo qori ay ku jiraan gacanta shacabka.

Masuulka ayaa sheegay in qaar ka mid ah hubkaasi loo isticmaalay in lagu geysto falal danbiyeedyo isugu jira argagaxisanimo, Dhac iyo dilal.

Wuxuu kaloo agaasime Amiin ayaa sheegay in shacabka hubkaasi soo celiyo 30-ka bishan Sebteembar ka hor aanan wax danbi loo heysan.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in Dowladda Kenya ay heysato qalab casri ah oo lagu burburin karo hubka.

“Qalabkani waa mid aan deegaanka waxba u dhimeyn, waxa uuna awood u leeyahay inuu hubka ka dhigo mid burbursan” ayuu yiri Maxamed Amiin.

Ugu dambeyn, hay’addan qaabilsan xakameynta hubka yaryar ayaa wadda dadaallo lagu soo afjarayo hubka sharci darrada ah ee ku jira gacanta shacabka.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here