Xarardheere (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maleeshiyaadka  Al-Shabaab ugu Magacaaban Gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Ciise Kaba Kudukade oo hadal u jeediyay odayaashii soo xulay Xildhibaanadda Baarlaamaanka Soomaaliya oo tagay Degmadda Xarardheere ayaa sheegay in Shabaab ay yihiin kuwa Gobonimo doon ah.

Horjooge Kaba Kutukade ayaa Odayaashii si qota dheer wax u fahamsiiyay isagoo si dhab ah uga hadlay loollanka ka jira dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab yihiin gobannimo u dirir isaga oo dood badan geliyay aragtida iyaga ka dhanka ah ee Wahaabiyada ku sifeysa waxaana uu sheegay in qofkasta oo Islaam ah laga bixiyo tilmaan qaldan.

”Aniga oo shabaab ah cunug aan dhalay ayaa ka dagaallamay Kenya, uma baahnin Ciidan, carruurtaan dhalnay ayaa nagu filan, Ninkiiba toban cunug ayuu dhalay Afar afar xaas ayaan leenahay galab iyo subax ayey dhalaayaan sida Dooradi,Shabaab waa gobanimo doon waxay doonayaan in diinku sare maro”,  ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ciise Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda, iyo AMISOM ayaa waqti walba waxa ay sheegaan in ay u dagaalamaan Sareynta Diinta Islaamka,islamarkaana ay dagaalka wadi doonaan inta AMISOM Dalka ku sugan yihiin.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here