Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa Sheegtay in aysan laheyn awood maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ugu diidaan canshuuraha ay ka qaadaan Ganacsatadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay wargeyska Washington Post, ayaa si cad u sheegay  Soomaaliya ay xaalad cabsi leh ay ku jirto, taasina ay keentay in Al-Shabaab ay awood ku yeeshaan agaalada Muqdisho.

”Dowladdu ma lahan awood weyn oo ay ugaga hortagto Al Shabaab inay ganacsatada lacago canshuur ah ka qaataan, dadka u ururiya canshuurta Al-Shabaabna magaalada ayay si xor ah isaga dhex maraan.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiir Beyle ayaa caqabadda jirta ku sheegay hal arrin, taasoo ah in Al-Shabaab ay Soomaali yihiin, isla markaana ay ku muuqaal yihiin dadka Soomaaliyeed.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



”Caqabaddu waa hal arrin oo keliya, Al Shabaab waa Soomaali aniga oo kale ama dadka oo dhan, waan isu muuqaal egnahay, meel walbana waa jooggaan oo way nagu dhex jiraan.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyn, hadalka wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa imaanaya xili todobaadkaan ay soo shaac baxday in Al-Shabaab ay Canshuuro ka qaadaan Ganacsatadda Soomaaliyeed iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here