Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jen. Zakiya Xuseen

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xarigii shalay loogu geystay Magaalada Muqdisho Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jen. Zakiya Xuseen qoraal ay ku daabacday barteeda Twitterka ayay ku sheegtay in wasiir Janan loo haysto Dambiyo culus.

Jen. Zakiya ayaa sheegtay in Kiiska loo heysto wasiir Cabdirashiid Janan ay haatan baarayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, jawaabna la heli doono.

”Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane CabdiRashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus”, ayay tiri Jen. Zakiya.

Ciidamadda Booliska ayaa Sabtidii shalay Garoonka Magaaladda Muqdisho ku xiray Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland.

Wasiirka Amniga ee maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa ka mid ahaa Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana horay lagu soo eedeeyay dambiyo ku aadan dhanka bani’aadanimada sida rag maxaabiis ahaa oo lagu dilay Saldhigga degmada Doolow.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here