Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa waxay amar ku soo rogtay diyaaradaha duulimaadyada ka taga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada oo la gaarsiiyay dhammaan diyaaradaha dalka ka hawlgala ayaa waxaa lagu sheegay marka ay taggayan iyo marka ay ka imaanayanba Magaalada Kismaayo, looga baahan yahay inay soo maraan Magaalada Muqdisho.

Diyaaradahan ayaa loo sheegay marka ay duulimaadyada ku tagayan Magaalada Kismaayo lagu hubin doono Garoonka Aadan Cadde, marka ay ka soo baxaana lagu hubin doono isla Garoonka Aadan Cadde, iyadoona lagu adkeeyay in awaamiirtan u hoggaansamaan.

Awaamiirtan ayaa waxay si guud u saamayn doontaa diyaaradaha ka hawlgala dal iyo dibadba, kuwaa oo lagu amray inay soo maraan Magaalada Muqdisho, ka hor inta aanay gaarin Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay ku soo laabtaan Magaalada Muqdisho, ka hor inta aanay Kismaayo uga sii gudbin goobaha kale ee safarkooda uu ku wajahan yahay.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh


Hay’adda Duulista & Saadaasha Hawada ayaa waxay tani ku sheegtay mid looga gol leeyahay hubinta iyo la socodka diyaaradaha duulimaadyada ku tagga Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Dadka oo arrintani hadalhaya ayaa waxay ku macneeyeen mid siyaasadeysan, xilli uu taagan yahay khilaafka Dowladda Federaalka Somaliya kala dhaxeeya Maamulka Jubbaland.

Amarkaan lagu soo rogay diyaaradaha tagga Magaalada Kismaayo waxay ku soo beegmaysaa, xilli Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu isu diyaarinayo in xilka loo caleemo saaro.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here