Muqdisho (Halqaran.com) – Axmed Cali Daahir oo ah xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay ka bilaaban doonto 9 Bisha soo socota dhageysiga Wareegga Koowaad ee Dacwadda badda ee ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rajo badan ka qabto in ay ku guuleysato dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu kaloo xusay, in mid labo maalmood la dhageysan doono Soomaaliya iyo Kenya ka dibna Maxkamadda ay ku dhawaaqi doonto xukunka ah Cidda iska leh badda lagu muransan yahay.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka dowladda Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Dhulka ama Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here