Garoowe (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi, ayaa waxaa uu ka digay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay samaystan muddo kororsi, marka uu waqtiga ka dhamaado.

Mr. Geedi ayaa sheegay in goobaha ay dadka isugu yimaadan laga hadalhayo nooca ay noqon doonto doorashada sanadka 2020-ka lagu wado inay ka qabsoomto Somaliya.

”Doorashada soo socota noocee ayay noqonaysaa? Qof iyo cod, maya ee nooc kale. Meelo badanaa lagula wareegaya, goobaha lagu qaxweeyo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba, xafiisyada ama xarumaha waxbarashada waxaa la’isweydiinaya war maxaa dhici doona?”, Ayuu yiri Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya.

Waxa kaloo uu yiri Mr. Geedi, “Waxaa loo baahan yahay muddo kororsi soo maaha waxa suuqa yaala, meel walba yaala? Muddo kororsi uma baahna umadaani, madax ay dooratee u baahan tahay umadaani.”

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay ciddii ku riyooneysa inay muddo kororsi samayso uu aaminsanahay inaanay u suurtageli doonin, shacabkana ay u baahan yihiin madax ay doortaan.

”Ciddii ku riyooneysa muddo kororsi waxaan aaminsanahay inaanu soconayn. Dowladda xukunka haysa waxaa laga rabaa inay keento doorasho umadda ay doorato madaxdeyda. Soo sidaa maaha mise lama rabo?” Ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Baarlamaanka labadiisa aqal Xildhibaanaa fadhiya, waxay ka shaqaynayan waxaan rabnaa inay noqdaan wax xaqiiqo ah, ee ka tarjuma rabitaanka umadda iyo masiirka Qaranka Soomaaliyeed.”

Geedi ayaa tilmaamay in ay xantu badan tahay, Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya qaarkoodna ayba jeclaan lahaayen in ay samaystaan muddo kororsi laba sano ah.

”Xantu waa badan tahay Baarlamaanka xitaa waxay iska rabaan, qaaraa rajeynayn inay soo noqdaan, waxay ku leeyihiin waxay ugu fiican tahay muddo kororsiga, laba sano oo aan isaga darsano. Shacabka Soomaaliyeed yeeli maayo, dastuurkuna uma yaalo Baarlamaanka keliya.” Ayuu yiri RW hore ee Soomaaliya, Maxamed Cali Geedi oo hadalkan ka sheegay shir uu Axadii uga qaybgalay Magaalada Garoowe.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here