Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka hadlay arrinta Maqaamka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso Shirarka Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay maqaamka Gobolka Banaadir arrintiisa looga hadlo Magaalada Garoowe, isla markaana ay Xukumadiisa ay fidin doonto Gogosha Shirka.

Wuxuu kaloo sheegaya, Mr. Deni ayaa waxaa uu cosaday in wada-hadalada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu qabtay Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in arrinta Somaliland ay tahay caqabad hortaagan Dastuurka Soomaaliya.

Si kastaba, kulanka uu Madaxweyne Deni ka sheegay halkaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madax ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland iyo Ra’iisul Wasaarihii ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Banaadir, waxaa ku dulman dadgaaraya ilaa 3 malyan, waa dhibaata wey in dadkaasi aan loo ogleyn in ay maamul sameystaan, taasi waxay keeni kartaa kacdoon iyo hub la qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here