Horjooge Mahad Karataay

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal xalay laga fuliyay Deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeelaha hoose lagu dilay labo sarkaal oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Mid ka mid ah saraakiisha howlgalka lagu dilay, waxaa dhalay Horjooge Mahad Karatey, oo kamid ah Saraakiisha ugu sareysa maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa Gudaha u galay Saldhigga Al-Shabaab ku lahayeen degaanka Sablaale, iyagoona halkaasi Shabaab ugu geestay khasaaro dhimasho ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa Sheegay in ciidamada kumaandooska Soomaaliya ay gudaha u galeen saldhigii maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ee deegaanka Sablaale ee gobolka Shabellaha Hoose, ayna dileen 18-xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Labada sarkaal ee howlgalka lagu dilay ayaa kala ah Maxamed Dhuubow ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa Ku-xigeenka Labaad ahna Madaxa is-qarxinta Maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyo Cumar Mahad karataay oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Taakulaynta Ajaanibta ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here