Kismaayo (Halqaran.com) – Ugaas ka mid ah ugaasyadii sida weyn u diidanaa hannaanka doorashada maamulka Jubaland ayaa maanta ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay fikirkiisii hore.

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane, oo kasoo jeeda beesha Cowlyahan ee Ogaadeen, ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay isaga oo eegaya danaha bulshada reer Jubaland iyo dadka baylahan, si looga hortago dhibaato kale oo ka dhacda Jubaland.

Ugaaska ayaa sheegay in is qabqabsi sii socda oo Jubaland ka dhaca ay hoggaamin karta colaad ka dhacda deegaanada Jubaland, taasi oo uusan dooneyn.

Haddaba hoos ka Daawo Muuqaalka Ugaaska oo runta ka hadlaya:

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. ASC.
    Ilaahay (swt) baa waaxid ah oo weeyn.Suldaanku waxuu isu badalay waxuu arkay in ay dhib badani ka imaankarto khilaaf kadhex dhaca dadka hadda isku haya arimaha Jubbalaan.Waa macquul in la baajiyo intii la baajiyin karo shidooyinka ay hurinayaan dad ka ytimid dibada jubbalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here