Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee maanta la doortay
Dhexe, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee maanta la doortay

Garoowe (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa loogu hambalyeeyay taageerana loogu muujiyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Warqadd ka soo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa hambalyo loogu diray guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, kuwaas oo hoggaami doona Baarlamaanka cusub ee Jubbaland, oo noqonaya Baarlamaankii labaad ee uu yeesho maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad u soo dhaweyneyso natiijada doorashadii maanta, waxaana ammaan loogu jeediyay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa ballanqaaday in ay si dhaw ula shaqey doonto Baarlamaanka cusub ee maamulka Jubbaland.

Taageerada ay Puntland u muujisay Baarlamaanka iyo guddoonadiisa cusub ayaa ku soo aadeysa, iyadoo War-saxaafadeed galabta kasoo baxay Xukuumadda Federaalka, kaasi oo gabi ahaanba lagu qaadacay sida ay wax uga socdaan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

1 COMMENT

  1. Waxey ku hanjabayaan aqoonsanmeyno natiijadasoo baxda. war iyagaan la aqoonsaneyn, ee wadankii dastuurkii lagu hagi lahaa laabay, shacabkii isku direy, Gobolada dhexe hadda maamul kama jiro yaaburburiyry. Baasaboorkii Somaliya laguma socon karo, iygaa u baahan in la iska qabo. Caalamkuna ma aqoonsana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here