Yuusuf Garaad Cumar /Sawir hore /Keydka

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mr. Yuusuf Garaad Cumar, ayaa dood ka keenay Dilkii Xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Jimcihii shalay lagu toogtay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, Kuwaasi oo doonayey inay dilaan masuul ka tirsan wasaarradda waxbarashada.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa Hadalkiisa wuxuu u dhigay Sidatan:-

‘‘Dilka shalay ka dhacay Bakaaraha waxaa ka khaldanaa ugu yaraan saddex waxyaabood oo culculus oo qaarkood ay u baahan yihiin baaritaan booliisku dhexdiisa baaro oo uu hubiyo in fal dembiyeed uu dhacay iyo in kale. Midna uu noqon karo xog la dayacay.

Qof aan Maxakamadi xukumin waxaa la dili karaa marka uu fal naf goyn kara faraha kula jiro, si kale oo looga badbaadaana aanay jirin. Waa marka uu isagu xabbad ridayo ama uu rid is leeyahay ee lagala hor maro. Intaas oo ruux oo qof dumar ahi ku jirto ma ku dhinteen si sharciga waafaqsan?

Tan labaad, waa xadgudub waana foolxumo in meyd dariiqa la soo dhigo, haddana la sawiro oo baraha bulshada lagu faafiyo.

Dariiqa iyo baraha bulshada waxaa labadaba jooga carruur iyo dad waaweyn oo aan xammili karin ama aan dooneyn muuqaalka dad la dilay oo waddada la dhigay.

Ma aha dhaqan Dowladeed.

Tan saddexaad, ma aheyn in magaciisa la sheego Agaasimaha lagu tilmaamay in si isaga loo difaaco darteed loo dilay intaas oo qof.

Ma ahan dhaqan hey’ado amni oo Dowladeed, sababta oo ah isaga ayay halis hor gelin kartaa sheegidda magaciisu.

Waan garan karaa in ciidanka amniga ay saaran yihiin laba culeys: Shabaab oo Dowladda, ciidanka iyo shacabkaba weerar ku ah. Iyo shacabka oo dhaliil la daba taagan ciidanka.

Taasi qiil uma siineyso in caro ay u qabaan Shabaab ay ka baxaan xadka sharciga.

Muwaaddinka Soomaaliyeed sharaftiisa iyo karamaadiisa waa in la dhowraa nolol iyo geeriba.

Si kastaba hadii Askari la dilo ama Masuul way adag tahay inaad hesho dad  ka doodaya xaqooda iyo Sharciga lagu dilay , Balse hadii la dilo dhagar qabe doonayey inuu dilo masuul ama askari waxaa la is waydiinayaa sharci ma la mariyey ?.

W/Q: Yusuf Garaad

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmai.com

2 COMMENTS

  1. Y U S U F G A R A A D C U M A R.
    1.Hadalka Yuusuf Garaad si haddii loo fiiriyo waa macquul oo afartaas qof ee shalay lagu dilay xamar yaa huba in ay qof dili lahaayeen oo ay shabaab matalayeen?Afar qof oo shabaaba baan dilay waxaa soo kuwii dilay ee yaa haya cadayn in ay dadkaasu wax dili lahaayeen oo ay shabaab ahaayeen?

    2.Yuusuf Garaad kama uu hadli jirin kumaakunkii qof ee ay beeshiisu dishay oo dhacday oo ay wali haystaan maalkoodii.Yuusuf mararkii ay beeshiisu xasuuqaysey soomaliweeyn waxuuu joogay BBC-da mana uu sheegi jirin falalkii wada xumaa ee ay suubin jirtey beeshiisu.Yuusuf Garaad buugiisu wuu buuxaa oo ay ka buuxdaa taariikh xun.Yuusuf Garaad soomaali way taqaan wax dambe oo umadeedna laguma aamini doono.Waayo waa nin ay ka buuxdo xin qabiil.Nin xil qabiil dhaansana ma uu istaahilo in uu qabto jago ummadeed.

    3.Sidiisa kale Yuusuf Garaad Jaahil ma aha oo ma caqli xuma oo waa waayo arag ee waxaa lagu imtixaanay qabiilaysi an qiil lahayn.Yuusuf waxaa amuuro ka soo raaceen shaqadii uu ka hayey BBC london.Halkaas bay soomaali ka baratay waxuu yahay Yuusuf Garaad Cumar.Haddii an Yuusuf Garaad shaydaan duufsan waxaa lagu aamini lahaa shaqooyin badan oo wada muhiima.Laakiin waxaan maaro looga helay eexaysi iyo kaas iga fogee ee kaas kale ii soo dhawee.

  2. Kuwaas, cidii aragtaa in ay toogato in loo fasaxaa fiicnaan lahey, Yusuf garaad Somaliya wax buu ka soo noqdey, Xaalada jirtana in uusan la socon ayad moodaa. war ragani masaajid adiga oo ku jira ayaa madaxa lagaa tooganayaa, wax ay aaminsan yihiina malaha. marka waxa fiican in dowladu , pas gareyso sharci baneynaya Maxkamad la,aan in la toogan karo, waayo si kale dadkaan laguma tir tiri karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here